You are here

Back to top

Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal (Hardcover)

Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal Cover Image
$39.95
Usually Ships in 1-5 Days
(This book cannot be returned.)

Description


Galmudug waxay ku taalaa bartamaha Soomaaliya waxaana dega dhamaan qabaa'ilka Soomaalida. Laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, markaan ku soo biiray Siyaasadda Soomaaliya ilaa iyo bartamihii 2020 ka, waxaan ka shaqeeyay ee dhinaca siyaasadda, si Xogogaal ahaan ah baan buuggan ku falanqeyni. Sidoo kale buugga waxaa ku xusan dagaalladii sokeeye, shirarkii dib-u-heshiisiinta, ururdiimeedyadii dowladihii ku-meelgaarka ahaa ee ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaashii kala duwanaa sida; Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, Maamulladii kale oo dalka ka jiray iyo Urur Diimeedyadii jiray waqtiyadaas.Waxaa si faahfaahsan buuggu u falanqeyn taariikhda Gobollada Dhexe, Maamulka Bartamaha Soomaaliya iyo sidii uu ku yimid, Caqabadaha uu la kulmay. Qeybta ugu balaaran ee buugga waa dhismihii Galmudug, guddiyadii shaqooyinka ay soo qabteen, Galmudugtii hore, Ximin iyo Xeeb iyo Maamulladii kale oo jiray. Sidoo kale Galmudug sidii ay u dhisantay, sababihii keenay ilaa iyo doorashadii Madaxweyne Xaaf iyo doorkii dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaashi Cabdi "Carrabey" waa aqoonyahan, siyaasi, barre, ganacsade, aabbe ku dhashay magaalada Beled Xaawo 1972-dii, deganaa wixii ka danbeeyay 1991 wadamo kala duwan. Waxbarashadiisii hore waxay aheed Soomaaliya. Wuxuu ka qalanjabiyay Northampton University BA Daraasaadka Warbaahinta; Northampton University MA Xiriirka Caalamiga; Robert Gordon University MBA Maamulka Saliidda iyo Gaaska; oo ah kuligood Ingiriiska. Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad-Goboleedka Galmudug (2015-2020). Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta (2020-). Wuxuu ku hadlaa afaf kala duwan sida Soomaaliga, Ingiriiska, Hollandiiska, iyo Carabiga. Wuxuu qoray oo la daabacay: Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal (Looh Press 2024). Mudane Maxamed X. Cabdi Carrabey waa aabbe xaasle ah lehna 12 caruur. .

Product Details
ISBN: 9781912411825
ISBN-10: 1912411822
Publisher: Looh Press Ltd
Publication Date: April 30th, 2024
Pages: 308
Language: Somali

Welcome to Next Page!

   

 

Click below to read our Newsletter!

April Newsletter

Check out our Author Resource page at the link below

Author Resource Page

Our Pre-Orders are here! Check out what we have in store!

Pre-Order